Muuqaal: Istarees, niyad jab, baqdin, PTSD
Bildspel: Stress, nedstämdhet, ångest, PTSD - somaliskaHalkan waxa lagu qeexayaa siyaabaha kala duduwan ee maskax ahaan wax xun loogu dareemo. Waxa laga yaabaa inaad iska dhex aragto mid ka mid ah? In la xanuunsanaayo ma aha micnaheedu inaad daciif tahay mana ahan wax laga xishoodo. Dadkoo dhammi marmar ayay sidaasi ku dhacdaa. Waxa jirta caawimo wanaagsan oo la heli karro haddii aad u baahan tahay.

Istarees
Ma dareemaysaa inuu jidhkaagu giigsan yahay oo uu wax badan madaxaagu ka fikiraayo? Miyey kugu adagtahey inaad is dejiso? Miyaad si dhibyar u cadhootaa? Markaas ayaa laga yaabaa inay istarees ku hayso.
Istareeska ayaa jidhkaaga giig ka dhigi kara. Shaqada wadnaha iyo neefsashada ayaa ka degdeg badan.
Istareesku waxa uu imaan karaa markaad wax ka warwarsan tahay, tusaale ahaan imtaxaan dugsiga. Istareesku waxa uu imaan karaa marka aanad ogeyn waxay xaaladu noqon doonto. Istareesku waxa kale oo uu ku xidhnaan karaa adigoo ku jira xaalad ku cabsi gelisa. Cabitaanka sigaarka ayaa kaa dhigi kara mid aad uga sii istarees badan. Waxaad adigu noqon kartaa mid istarees qaba iyadoo aanad garaneyn sababta.
Marmarka qaar ayay wanaagsan tahay inaad istarees qabto, sida marka aad u baahan tahay inaad wax dhakhso u sameyso. Laakiin kadib waxaad u baahan tahay inaad nasato oo aad tamar kale hesho. In istarees wakhti badan lagu jiro ayaa kaa dhigi karta mid niyad jabsan iyadoo aanay taasi jidhka u wanaagsaneyn.









Boggag ku xiran
- Lista med ställen där du kan få hjälp om du mår dåligt. På svenska på UMO.se
- Om du varit med om något jättehemskt - Posttraumatiskt stressyndrom (film), Rädda barnen
- (Rädda barnen, film) إذا تعرضت لأي حدثٍ مُرَوًع - متلازمة ما بعد الصدمة
- (Rädda barnen, film) اگر ترامای شدیدی را تجربه کرده اید – اختلال تشویشی پس از ضایعه روانی
- If you have experienced something traumatic - Posttraumatic Stressyndrom, Rädda Barnen (film)