Ka ogaato kondhomka iyo galmada ilaashan
Mer om säkrare sex - somaliskaCurrent articles
Waxyaalaha kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka
Kondhoomka ayaa ah sida caadiga ah ee la iskagailaaliyo cudurada xubnaha taranka marka aad galmooneyso. Waxa ugu wanaagsan waxa weeye inaad marka hore ka wada hadashaan waxaad iskaga ilaalineysa inta aydaan galmo sameyn. Waxyaalaha kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka waa wax aad labadiinuba masuul ka tihiin.
Waxyaalaha kahortagga uurka
Waxa jira siyaabo kala duduwan oo la iskaga ilaaliyo in uur loo qaado. Muuqaalkan waxaad ka arki kartaa waxyaalaha ugu badan ee la isku ilaaliyo.
Cuddurada lagu faafiyo galmada
Waxaad qaadi kartaa cudurada lagu kala qaado galmada marki aad galmo la sameyso. Isbaar nafsad ahaantaada hadii aad u maleyso in aad qaaday cuddurada lagu kala qaado galmada. Waxaa jirto daawo taaso caawineyso. Daawada waa mid bilaash ah.
Filim: Sida loo gashado kondom
Hi! Hadda waxaad daawaneysaa sida loo gashado kondom. Fur baakadda adoo isticmaalaya qeybta kore ee caagga ku jirta. Ka taxadar inaad kondomka ku jeexdid ciddiyahaada. In yar kondomka bannaanka u saar si aad u ogaatid meesha kor soo mareysa.