Muuqaalka ayaad ku ogaanaysaa waxa jidhka ku dhacaaya markaad caadada hesho.
Sawir 1
1/8
Gabdhuhu waxay soo dhashaan ayagoo leh unugyo ugxan ah oo aad u badan. Bil kasta marka aad soo qaan gaadho ilaa intaad gaadheyso da'da cisagoyska ayaad hali doontaa hal unugyada ugxan ka mid ah oo bislaan doona. Ugxantu waxay ku sameysantaa ugxan sidaha.
Sawir 1
1/8
Waxay sida caadiga ah qaadataa laba todobaad si ay ugxantu u bislaato. Isla markaa ayuu ilma galeenku isku diyaarinayaa inuu qaabilo hal ugxan oo la bacrimiyey.
Sawir 1
1/8
Marka ay ugxantu bislaato ayay ka soo go'aysaa ugxantu ugxan sidaha iyadoo uu ugxan maruhu qabanaayo.
Sawir 1
1/8
Todobaadka ka horeeya marka ay caadada kaa imaanayso ayaa dadka qaarkood helaan waxa loo yaqaan PMS. Markaa ayaad dareemi kartaa baqdin iyo xanaaq. Waxaad sidoo kale dareemi kartaa firfircoonaan ama inaad wax macaan jeclaato. Dadka qaar ayaa finan badan ka soo baxaan. Waxaad sidoo kale heli kartaa xanuun naasaha.
Sawir 1
1/8
Haddii aanay ugxanta wax xawwo ahi bacrimin ayaa dhiig ka imanayaa ilmo galeenku isagoo ka soo baxayaa siilka. Taas weeyaan caadadu.
Sawir 1
1/8
Isla marka ay caadadu bilaabanto ayaa waxa caadi ah in calooshu ama dhabarku ku xanuuno. Dadka qaar ayaa xanuun badan hela, laakiin xanuunka caadadu ma ah wax khatar ah.
Sawir 1
1/8
Marka aad caadada hesho ayaa hadana wax walba dib ugu soo bilaabmayaan iyadoo aad heli doonto ugxan cusub oo ku bislaata ilmo galeenka.