Bildspel: Vad händer i killkroppen i puberteten? - somaliska
Halkan waxa ku dhigan sawiro muujinaaya waxa jidhka ku dhaca xiliga baaluqa. FIIRO GAARA! Sawiro xasaasi ah.
Sawir 1
1/12
Baaluqu waa xili jidhku uu ka soo baxo carruurnimo oo uu soo galo qof weyn. Waa ay u kala duduwan tahay dadka kala duduwan. Adigu shakhsi ahaan ma saameyn kartid.
Baaluqa waxa bilaaba hormoono. Hormoonadu waa maadooyin lagu sameeyo jidhka. Waxay saameeyaan sid uu jidhku u shaqeeyo ee kala duduwan. Tusaale ahaan, waxay maamulaan hurdadda, daqadka dhiiga iyo dabeecadda.
In la galo baaluq ayaa siyaabo kala duduwan loo dareemaa. Dadka qaar ayaa aad u sugaayey oo u arka inay xiiso badan tahay. Dadka qaar ayaa u arka inay arin adag ama hawl badan tahay.
Marka uu baaluqu dhamaado ayaad leedahay jidh qof weyn adigoo qof weyn u muuqda. Markaas ayuu dhererkaaguna istaagey.
Sawir 1
1/12
Xiliga baaluqa ayaad heli kartaa maqaar ka buuran. Waa caadi in la helo dhibco yaryar oo maqaarka ka soo baxa iyo finan.
Sawir 1
1/12
Fikirka iyo dabeecadda ayaa is badela.
Dabeecadaada ayaa iska badeli karta sidii hore. Waxaad noqon kartaa mid ka cadhooda waxyaalo aanad hore uga xanaaqi jirin.
Waxaad noqon kartaa mid dareemaaya niyad jab ama waxaad bilowdaa inaad wax badan fikirto.
Sawir 1
1/12
Waxaad noqon kartaa aad u sii xiiseeye galmada. Waxa laga yaabaa inaad wax badan ka fikirto galmo oo aad kacsato.
Sawir 1
1/12
Waxa laga yaabaa inay timo wajiga kaa soo baxaan, shaaruba iyo gadh aad yeelato. Marka hore ayaa gadhka iyo shaarubuhu ay khafiif yihiin. Laakiin muddo ka dib ayay ka sii badnaan doonaan.
Sawir 1
1/12
Codkaaga ayaa is badelaaya. Waxa taasii sabab u ah iyadoo qeybo ka mid ah cunuhu ay korayaan.
Marka bilowga ayaa codku noqon karaa mid aan isku sineyn. Muddo ka dib ayaa codku ka sii weynaan doonaa.
Sawir 1
1/12
Waxaad yeelan karta garbo ka waaweyn iyo muruqyo ka badan.
Marka uu jidho dhakhso badan u korro ayaa maqaarku dildilaacayaa. Dildilaacu waxa uu u eeg yahay xariijimo ama liid liidyo. Kuwaas oo khafiifa wakhti ka dib.
Sawir 1
1/12
Waxaad yeelanaysaa timo ka sii badan, gaar ahaan gacmaha hoostooda. Waxaad sidoo kale timo ku yeelanaysaa tusaale ahaan naasaha iyo dhabarka.
Waxaad yeelan doontaa dhidid badan xiliga qaan gaadhka.
Sawir 1
1/12
Naasaha ayaa kori karra taas oo keeni kartaa inaad xanuun yara dareeento. Naasaha ayaa yaraan doona marka uu xiliga qaangaadhku dhamaado.
Sawir 1
1/12
Waxaad timo ku yeelan doontaa xubinta taranka. Guska ayaa ka sii weynaan doona xubnahh taranka ee ragga ayaa ka sii madoobaada oo ka sii cood coodhnaada. Waxaad arki doontaa dildilaac laalaabad iyo soo baxyo ka muuqda guska iyo xubnaha taranka ee ragga.
Xilga qaangaadhka ayaa dhikilaha ku yaala guska ay sameeyaan shahwad. Waxaa dhici karta inaad qof uur u yeesho.
Xubinta taranka ayaa laga yaabaa inay si kale u urto xiliga baaluqa. Taasi waxaa sabab u aha dhididka iyo dhecaanka ku sameysmaaya xubinta taranka.
Sawir 1
1/12
Qof la hadal haddii aad qabto wax su'aalo ah ama haddii baaluqu uu si uun kugu adag yahay. Waxaad tusaale ahaan la hadli kartaa skolsköterskan, skolkuratorn ama qof kale oo jooga ungdomsmottagning.
Haddii aanad laheyn calaamada baaluqaada markaad 14 sanno jir gaadho, waa inaad la soo xidhiidho skolsköterskan, en ungdomsmottagning ama vårdcentral. Waxaad taas sameyn kartaa adigoo uu kula socdo qof aad adigu garaneyso ama kaligaa. Baaluqaadu waxa hadii loo baahdo lagu bilaabi karaa ama lagu joojin karaa daawooyin.