Waxyaala la iskaga dhowro caadada
Mensskydd - somaliskaWaxa jira afar shay oo aad soo iibsan karto oo dhiiga caadada la iskaga ilaaliyo: binda, trosskydd, tampong iyo menskopp. Dhamaantood marka laga reebo menskopp waxa laga heli karaa tukaamada cuntada, kiosk-yada iyo farmasiiyada. Menskopp-ka waxa laga iibsan karaa internedka iyo farmasiiyada qaarkood.
Binda
Binda-du waxay nuugtaa dhiiga. Waxaad bindan saareysaa nigiska. Dhinaca ayay xabag bidan kaga dheggan tahay meesha ku haysa. Wuxuu leeyahay qiyaaso kala duduwan. Dumarka intooda badan waxay maalmaha hore ee caadada bedbedelaan binda-da marar badan. Bindan waxay bilaabi karta inay urto ama uu dhiigu ka soo da'o haddii aad wax badan deyso.
Trosskydd
Trosskydd waa sida binda-da laakiin waa ay ka yar tahay. Waxaad isticmaali kartaa marka ay caadadu kaa sii dhamaaneyso ee wax yar oo dhiig ahi kaa socdaan. Dadka qaar ayaa xidhha trosskydd marka ay xidhan yihiin tampong, si aanu dhiigu nigiska uga soo gaadhin haddii uu tampongen buuxsamo.
Tampong
Tampong waxaad galineysaa siilka. Waxa uu nuugayaa dhiiga si aanu u soo bixin. Waxaad qubaysan kartaa ama isboorti ciyaari kartaa adigoo xidhan tampong.
Wuxuu leeyahay qiyaaso kala duduwan. Dooro tampong ka weyn haddii wax badan aad dhiigeyso. Waxaad isticmaali kartaa tampong xataa haddii aanad waligaa galmo sameyn.
Sidan ayaad tampong u galinaysaa
Marka ugu horeysa ee aad isticmaalayso, waa inaad taas sameyso xiligga aad leedahay dhiig badan, maxaa yeelay markaas ayay si ka dhibyar u dhex sibaaxeysaa. Dooro markaa tampong yar. Waxa uu si ka dhibyar ugu galayaa haddii aad kadaloob u fadhido oo aad lugahana kala furto.
- Gacmaha dhaq oo qalaji.
- Ka saar balastiga ku waregsan tampongen.
- Waxa weeye dhinaca aanu ku oolin xadhigu, xagga galaysa afka siilka.
- Ku kala fur dabnaha siilka gacanta kale ee aanad ku haynin tampongen.
- Hel afka siilka oo dabadeedna gali tampongen.
- Siilku waxa uu u janjeedaa dhinaca gadaasha, markaa waa in tampongen loo galiyo janjeedh. Waa ay cidhiidhyi kartaa wax yar, laakiin ma jiraan wax sinaba u dhaawacmaaya.
- Tampongen waxa uu galayaa siilka gudahiisa hore. Xadhiga waa in uu dibada ka soo laalaado. Tampongen waa in aan la dareemin. Haddii aad dareento ayuu ku jiraa meel gudaha hoose ah. Isku dey inaad sii yara riixdo. Iskeed iskama soo bixi karto, jidhkana kuma dhex lumi karto.
Imisa jeer ayaan badalayaa tampongen?
Bedel tampongen marka aad is tidhaa waxa ka buuxsamey dhiig. Markaas ayuu si dhibyar u soo jibaaxayaa haddaad soo jiido xadhiga. Haddii uu aayar sacdo, ayay u badan tahay inuu qalalan yahay oo aan markaa loo baahneyn in la badelo.
Marka aad soo saarto tampongen, ku laalaab warqada musqusha oo ku tuur baaldiga qashinka.
Waxaad adigu tampong xidhan kartaa habeenkii. Gali marka aad seexanayso, kadibna degdeg u bedel marka aad soo toosto. Waad qubaysan kartaa adigoo xidhan tampong. Bedel marka aad dhameysato qubeysiga.
Miyaa tampong ku dhagi karaa?
Ma dhacdo caadi ahaan inaan la soo saari karrin tampongen. Si kadaloob ah u fadhiiso oo gali hal far. Qabo xadhiga ama tampongen kadibna soo jiid. Waxaad adigu caawimo ka heli kartaa umuliso joogta ungdomsmottagning haddii aad soo saari kari weydo tampongen.
Menskopp
Waxa menskopp laga sameeyey caag jilicsan iyada oo markaa ku hayn karro dhowr sanno.
Waxaad galineysaa siilka iyadoo dhiigu galaayo jidhka. Menskoppen waxa uu qaadaa dhiig ka badan binda-da iyo tampong-en.
Waa lagu qubeysan karaa menskopp-ka.
Sidan ayaad koobka dhiiga caadada u isticmaalaysaa
Dhinaca balaadhan ayaa marka hore galaaya. Waxa uu si ka dhibyar ugu galayaa haddii aad kadaloob u fadhido oo aad lugahana kala furto.
- Dhaq gacmaha.
- Ku kala fur dabnaha siilka gacanta kale ee aanad ku haynin menskoppen.
- Isku soo laab menskoppen oo danadeed gali siilka. Iyadaa is qaabeynaysa si ay ugu adkaato.
Waa inaad farta ku dareento usheeda, laakiin waa inaanay dibad uga soo jeedin.
In laga soo saaro, la faaruqiyo oo la keydiyo koobka dhiiga caadada
Si aad u soo saarto, waxaad ku soo jiidi doontaa gacanta. Musqusha ayaad dhiiga ku faaruqin kartaa.
Waxa caadi ah in koobka dhiiga caadada la faaruqiyo qiyaastii laba jeer maalintii. Laakiin waxa laga yaabaa inaad u baahato inaad marar ka badan faaruqiso maalmaha koowaad ee caadadaada dhiiga haddii aad markaas wax badan dhiigbaxayso.
Koobka ku dhaq biyo qabow ama biyo diirran ka hor inta aanad dib u gelin.
Marka uu dhiiga caadadku kaa dhamaado ku dhaq koobka dhiiga caadadada saabuun iyo biyo. Markaas ka dib shan daqiiqo biyo ku kari. Ku keydi kiish maro ah ama meel hawo leh, sida tusaale ahaan kabadhka qolka musqusha.