Waxyaalaha kahortagga uurka
Bildspel: Skydd mot graviditet - somaliskaWaxa jira siyaabo kala duduwan oo la iskaga ilaaliyo in uur loo qaado. Muuqaalkan waxaad ka arki kartaa waxyaalaha ugu badan ee la isku ilaaliyo.
Waxyaalaha ugu badan ee kaa ilaalinaaya uurka waxa ku jira hormoono. Waa maadad ku jirta jidhka taas oo saameysa waxyaalaha sida ugxanta iyo caadada. Hormoonada kaa ilaalinaaya uurku waxay kaa dhigayaan qof aan qaadin uur.
Kondhom, femidom iyo Gariiradda birta kobarta ayaa ah waxyaalaha la iskaga ilaaliyo uurka ee ay ku jiraan hormoonadu.
Kondhom iyo femidom sidoo kale waxay kaa ilaalinayaan cudurada xubnaha taranka.Waxyaalaha kale ee la iskaga ilaaliya uurku kaama ilaalinayaan cudurada xubnaha taranka.

Kondhom
Kondhomka waxa laga sameeyey cinjir khafiif ah. Waxaad galineysaa guska haddii aad galmo galayso. Markaas oo aanay xawadu soo galeyn siilka. Waxa muhiim ah in kondhoomka la xidhnaado xiliga galmad oo dhan. Kondhomka wax laga soo iibsan karaa farmasiiga, kioska iyo dukaanka cuntada iyo internedka.











RFSU: Ka hortagga uurka
Kani waa filim ka socda RFSU.
Kani waa filim ka socda RFSU.