Cod iyo Muqaal: Waa maxay galmo okay?
Bildspel: Vad är okej sex? - somaliskaMararka qaarkood waxaa adag in la ogaado waxa fiican iyo waxaan fiicneen oo aan marka ay timaado galmada. Halkan waxa aad ka arki kartaa wixi sharci iyo sharci-darro ah.

"Waxaan badanaaba ku riyoodaa inaan galmo la samanayey qof aan isku fasal nahay. Taasi ma caadi baa?"

"Waxaan badanaaba ku riyoodaa inaan galmo la samanayey qof aan isku fasal nahay. Taasi ma caadi baa?"
Sii wad in aad si riyooto! Mala Mamnuucin in aanku riyoodo dadka kale. Waad ku riyoon kartaa waxa aad rabto, haddii aad dareento in ey wanaagsan tahay waxa samaynayso.

"Iyadu waa 14 jir laakiin waxey u eg tahay mid weyn. Waxaan weydiiyay ayada waqtiyo badan in ey isoo dirto sawiro galmo ee ayada. Waxaan rajeynaya iney qaadato ayada si dhaqso ah."

"Iyadu waa 14 jir laakiin waxey u eg tahay mid weyn. Waxaan weydiiyay ayada waqtiyo badan in ey isoo dirto sawiro galmo ee ayada. Waxaan rajeynaya iney qaadato ayada si dhaqso ah."
Waa mid sharci darro ah in la isku dayo in la helo qof da’diisu ka yartahay 15 sano in uu diro sawiro galmo oo naftiisa ah. Ma sameyneyso wax sharci darro ah hadii ey ayada soo dirto, lakiin waxaa sharci darro ah hadii aad isku deydo in aad ayada ku qalqaaliso in ey gasho qalad.

"Gabar weyn oo iskuulka dhigato aya si tartiib ah dhagaha iga hadashey waqti yar in ey rabto galmo. Dhab ahaantii, anigu ma rabo, laakiin waxa aan dareemay si nacasnimo inaan ku dhaho gabadha Maya."

"Gabar weyn oo iskuulka dhigato aya si tartiib ah dhagaha iga hadashey waqti yar in ey rabto galmo. Dhab ahaantii, anigu ma rabo, laakiin waxa aan dareemay si nacasnimo inaan ku dhaho gabadha Maya."
Hadii aadan jaclayn arintaas, waa in aad dhahdaa Maya. Ma ahan ceeb in aad dhaahdo maya. Sababtoo ah waxaad tahay nin, ma ahan in aad Dhahdo haa galmo. Qalad bey ku tahay iyada in ay isku daydo in ey kaa dhaadhiciso. Waxay noqon kartaa galmo qasab ah, waana kiis sharci-darro ah.

"Iyadu waa 18 jir ila mid ah. Waxaan ku wada hadalnay Skype marar badan, laakiin sida ugu dhakhsaha badan waxaan weydiin haddii ay iska sari karto funaanad hadii ay doonayso in ay joojiso."

"Iyadu waa 18 jir ila mid ah. Waxaan ku wada hadalnay Skype marar badan, laakiin sida ugu dhakhsaha badan waxaan weydiin haddii ay iska sari karto funaanad hadii ay doonayso in ay joojiso."
Waad weydiisay waxeyna ku tiri Maya. Waxaa waajib kugu ah in aad is ixtiraamtaan. Sideed dareemi lahayd haddii qof dhowr jeer uu ku weydiiyo wax aadan rabin? Ma ahan caadi in aad qeyliso.

"Wuxuu dhahayaa Maya, laakiinse waxaan u maleenaya in ey galmo rabto. Haddaba waxa kaliya in la wado un?"

"Wuxuu dhahayaa Maya, laakiinse waxaan u maleenaya in ey galmo rabto. Haddaba waxa kaliya in la wado un?"
Waa in aad ixtiraamto markii ey sheegto in ey ubaahneen. Maya had iyo jeer waxey ka dhigan tahay Maya. Waa in aad sameysan oo kaliya galmo haddii labada qof ey rabaan. Hadii qofka kale uu doonayo in uu ka tago, waa in aad joojisa. Galmadu qofka uu san rabin waa mid sharci-darro ah.

Aniga iyo saaxiibadayda ayaa afka iska shuminey. Waxaan anigu rabey in aan dharka iska saarno.
Ma okey bay aheyd in aan funaanadeeda ka saaro?

Aniga iyo saaxiibadayda ayaa afka iska shuminey. Waxaan anigu rabey in aan dharka iska saarno. Ma okey bay aheyd in aan funaanadeeda ka saaro?
Waa inaad sidaas sameyso haddii aad labadiinuba rabtaan. Haddii aadan hubin inay rabto ayaad u baahan tahay inaad taas ogaato. Waxa hab wanaagsan ah in la weydiiyo haddii ay rabto inay sii wado. Waa sharci darro in loo galmooda qof aan muujin ama sheegin in uu taas rabo.

"Marki aniga iyo saaxiibkay aan joogney Riwaayadii, wuu dhaqaaqay oo gabadh ka qabtay naasaha. Waxa ay ahayd mid aad ceeb u ah. Gabadhii waxey ku hanjabtay in ay waceyso booliiska. "Saaxiibkay ma wuxuu suubiyay wax sharci daro ah?"

Qabashada qof jirkiisa hab ama qab u dareemayo in aad ku xad gudubtay ama aflagaado waa arin sharci daro ah. Qofki saas sameyso waxa uu la kulmi kara xabsi. Waa in aad u sheegta saaxiibkaada waxa uu sameeyay in ey tahay wax qalad ah oona sharci darro ah.

"Waxaan jeclahay in aan daawado filimada galmada. Ma samayn karaa?"

"Waxaan jeclahay in aan daawado filimada galmada. Ma samayn karaa?"
Daawashada filimyada galmada sharci dara ma aha. Haddii aad jeceshahay in aad daawato filimada galmada iyo hadii aad ku ladnaaneeso in aad sameyn karto, waad sii wadi kartaa. Si kastaba ha ahaatee, waxaa mamnuuc ah in la hantiyo ama la qaybiyo filimaanta galmada oo muujinaya qofka ka yar dadiisa 18 sano.

"Walaashay saaxiibteed ayaan isku raacnay in aan galmo sameyno haddii aan iibsano khamriga lacagtana bixino."

"Walaashay saaxiibteed ayaan isku raacnay in aan galmo sameyno haddii aan iibsano khamriga lacagtana bixino."
Lama oggola in lagu bixiyo galmada lacag. Khamriga waxaa lagu tiriyaa sida lacag bixinta. Intaa waxaa dheer, waa mid sharci darro ah in khamriga loo soo iibiyo qof da’diisa ka yar tahay 20 sano. Sidaas darteed waa labalaab sharci daro in aad khamriga ku iibsato bedelka galmada.

"Waxaan u udiray gabdhaha iskuulka sawiro guska ah. Waxaan intooda badan loogu talo galay si kaftan ah. Gabdhahii ayaa runtii ka carooday, oo sheegay in ay ahayd wax sharci darro ah. Laakiin waa ay keliya iska tirtiri karaan sawirada haddii ey iyaga dhibayso?"

Uma diri kartid dadka kale sawiro aflagaado ama wax la xiriira galmada haddii qofka u san markii hore kuu sheegin iney caadi tahay .
Mar kale haa sameynin sidaas. Waa wax sharci darro ah. Gabdha waxa ey kugu dacweeyn karaan boliska in aad ku xadgudubtay.

"Macallinka jimicsiga ii dhiga ayaa iga codsaday inaan casharka ka dib sii joogo. Waxay faallo ka bixisay jidhkeyga waxayna soo jeedisay in aanu maalin iyada gurigeeda ku kulamo, sidii shukaansi. Ma garanaayo haddii aan taas rabbo, laakiin waxaan ka baqanayaa inay darajo xun i siiso haddii aan maya dhaho."

Ma aha ok in macallin uu is shukaani soo jeediyo, wax galmo ku lug leh soo jeediyo ama wax galmo ku lug leh arday la sameeyo. Kuma saxsana iyadu inay darajooyinka saameyso markaad maya tidhaahdo. Haddii ay adiga kugu sameyso wax galmo ku lug leh oo aanad adigu taas rabin ayay sharci darro tahay. Taas u sheeg qof weyn oo kale si aanay mar kale ugu dhicin.