Cuddurada lagu faafiyo galmada
Sjukdomar som smittar genom sex - somaliskaWaxaad qaadi kartaa cudurada lagu kala qaado galmada marki aad galmo la sameyso. Isbaar nafsad ahaantaada hadii aad u maleyso in aad qaaday cuddurada lagu kala qaado galmada. Waxaa jirto daawo taaso caawineyso. Daawada waa mid bilaash ah.
Calaamadaha cudurada lagu kala qaado galmada
Waa wax caadi ah in cudurada galmada aanay bixin wax calaamado ah. Markaa ma ogaaneysid in aad leedahay cudurada galmada lagu kala qaado. Cudurada galmada lagu kala qaado qaarkood waxey keeni karaan iney ku belbesho marka aad kaadineyso, waxaad ka heli dheecaan siilka ama waxaad ka heli kartaa nabro guska ama siilka.
Sidan baad ku qaadi kartaa cudurada lagu kala qaado galmada
Cudurada lagu kala qaado galmada badanaa waxey ku faafaan ayadoo qaar ka mid ah xubnaha jirka uu istaabanayo:
- siilka
- dibnaha
- futada
- qeebta kore ee guska
- afka.
Cudurka galmada waxa kaloo lagu faafin karaa dhiiga, dhacaanka siilka ama miinada oo taabata qeybo xubnaha jirka ka mid ah.
Aad bey khatar utahay in aad qaado cudurada kufaafo galmada hadii aad galmo kasameyso siilka ama dabada.
Cudurada kufaafo galmada waxaa la isku gudbin kara markaad dhuuqdo, shumiso ama leeftid qof xubintiisa taranka adigo isticmalayay afka ama carabka.
Sidan ayaanad ku qaadi karin cudur galmada lagu kala qaado
Cudurada galmada la iskugu gudbiyo La iskuguma gudbin karo siyaabahaan:
- Qof ayaad hab siisay ama aad shumisay.
- Qof ayaad gacanta ka qabatay.
- Waxaad isticmaashey shukumaankii uu isticmaaley ama musqushu isticmaaley qof walbo.
- Waxaad ku cabtay galaaski uu qofka kale isticmaaley.
Majiro cudur galmada oo lagu kala qaado hawada.
Kuma heleysid cudurka lagu kala qaado galmada siigeysiga.
Naftaada ka badbaadi cudurada galmada lagu kala qaado
Sidan baad ku yareen kartaa khatarta cudurada galmada lagu kala qaado:
- Isticmaal kondhomka ama femidom goorta aad la yeelaneyso galmo qof.
- Kondhomka waa in aad qabtaa ama femidom dhamaan gabi ahaan inta galmada aad ku jirto.
- Badel kondhomka haddii aad u galmoneyso dabada iyo siilkaba.
- Iska tuf shahwada haddii aad afka kaaga shubmatay.
- Samee galmo kaliya idinkoo gacanta ku salaaxaya xubnaha taranka midba midka kale.
Markaa waa inaad is tijaabisaa.
Iska baar haddii aad galmo aan badbaadsaneen lasameysay qof. Waxaad adigu iska baari kartaa un Xarunta daryeelka dhalinta, goobaha caafimaadkaama maqaarka iyo jinsiga galmada. Waa mid bilaash ah baaritaanka cudurada galmada lagu kala qaado.
Isbaar adiga naftaada haddii xitaa aadan laheyn wax calaamad ah ama ey kugu dambeysay waqti hore oo galmo sameysay.
Baaritaanka caadiga ah waa in aad iska qaado kaadida ama dhiiga. Waxey kaloo noqon kartaa dhacaan laga qaado cunaha,siilka,kaadi heysta ama futada.
Cudurada qaar kood ayaa muhiim ah in aan la faafinin
Waxaa jira sharci ku shaqo leh cudurrada faafa qaarkood. Sharcigu wuxuu amraya in aad isbaarto adiga naftaada hadii aad qabto mid ka mid ah. Klamydia, jabtada iyo HIV saddexdas aya tusaale u ah cudurada noocaa ah. Waa mid bilaash ah baaritaanka cudurada galmada lagu kala qaado.
Hadii aad ogaato in aad leedahay cuddurada galmada lagu kala qaado, waxa qasab kugu ah in aad usheegto shaqaalaha caafimaadka qofki ugu dambeyay oo aad la yeelatay galmo. Shaqaalaha aya la xariirayo dadkaas una sheegaayo in ey ayagana ubaahan yihiin in ey isbaaraan.
Waxaad ku dhahdey shaqaalaha aya ahaaneyo mid sir ah. Dadka aad u sheegtay shaqaalaha ma ogaanayaan hadhow qofka aad tahay.
Sidan baad uga baxaysaa cudurka lagu kala qaado galmada
Markaad hesho jawaabti baaritaankaada, waxaad heleysa daawo taaso kaa caawineyso ka hortaga cudurka aad qabto.
Hadii aad qabto HIV, waxaad u baahan tahay in aad qaadato daaweeyn nolashaada oo dhan. Daawada waa mid bilaash ah.
RFSU: Cuduradda xubnaha taranka
Kani waa filim ka socda RFSU.