Maxaa ku dhacaaya jirkaaga markaad sigaarka joojisid?
Bildspel: Vad händer i kroppen när du slutar röka? - somaliskaIsla marka aad sigaarka joojisid, isbadal fiican ayaa jirkaada ku dhacaaya. Waxaad iska saari kartaa dhawaacyada iyo cudurada sigaarka uu keeno.
Farxad badan ayaad dareemeysaa
Dadka qaar sidaas ayey dareemayaan maalmo ka dib, sababtoo ah dadka qaar mudo dheer ayey qaataan.
Todobaad walba, khatarta dareenka walbahaarka iyo dareen xumida wey yaraaneysaa. Waad deganaani, inkastoo ay sidaa ahaaneynin xiliyada hore. Sidoo kale waxaad bilaabeysaa inaad si fiican u seexatid.
Maqaarka
Maqaarkaaga wuxuu yeelanayaa midib caafimaad leh. Waxa sabab u ah in uu jidhkaagu helayo hawada Osajiita oo ku wareegaysa jidhkaaga kana badan in uu hore u heli jirey markii aad sigaarka cabi jirtay.
Ma qabtaa finan? Waxaa laga yaabaa in finan yaryar ey ka soo baxaan waxyar ka dib.
Maqaarkaaga gabow ugama muuqanayo si degdeg ah. Maqaarkaaga ma yeelanaayo duuduub sidii markaad sigaarga cabeysay.
Ilkaha
Si fiican ayaad u neefsaneysaa. Ilkahaaga waxey bilaabayaan iney caddaadaan. Ciridkaaga caafimaad ayuu lahaannayaa. Khatarta ilka beelistana wey yaraaneysaa.
Dhuunta
Waxaa jira timo yar oo ku yaala gudaha dhuunta, ooy neefta u soo marto sambabyada. Timahani yar waxey sambabyada ka celinayaan wasakhda iyo busta.Waxaa la yirhadaa “flimmerhår”. Sigaar cabidda waxey baabi’isaa timahani yar, laakin dib bey u soo baxayaan markaad sigaarka joojisid.
Qunfaca wuu kaa yaraanayaa
Ma qunfici jirtay intaad sigaarka cabeysay? Waxaa laga yaabaa inaad dareentid in qunfacaada uu yaraanaaya sigaarka markaad joojisid bilooyin ka dib. Aad bey uugu ficaan tahay iney sigaarka joojiyaan gaar ahaan kuwa qaba cudurka neefta.
Dhadhanka iyo Carafta
Waxaad bilaabeysaa inaad si fiican u dareentid dhadhanka iyo carafta.
Sambabyada waxey bilaabayaan iney si fiican u shaqeeyaan
Sambabaha waxey bilaabayaan iney dibadda u soo saaraan wasakhda oo halkaa isku shareertay inta aad sigaarka cabeysay. Waxaa laga yaabaa inaad yara qunfacdid xiliyada hore.
Waxaa laga yaabaa inaad dareentid in neefsashada ey sii fiicnaaneysa iyo jirkaaga oo sii hagaagaayo.
Smababyada waxey kaa difaacayaan cudurada, sida hargabka iyo cudurada sambabka.
Wadnaha
Wadna garaacaada hoos ayuu u dhacayaa. Mudo ka dib caadi ayuu ku soo noqonayaa. Nikotiinka ku jira sigaarka ayaa wadna garaacaada ku daraaya markaad sigaar cabid bilowdid.
Khatarta helidda dhibaatooyinka la xiriira wadnaha wey siyaadeysaa.
Xididaha dhiigga
Dhiigga ayaa jirkaaga si fiican uuga dhex wareeganaaya. Tani micnaheedu waxaa weeyaan dhiig badan ayaa jirkaaga ku kara.
Sigaar cabidda waxey waxyeeleysaa xididaha dhiigga. Dhaawacyada waxey bilaabayaan iney bogsadaan markaad aad sigaarka joojisid.
Khatarta dhiigga oo xinjiro isu badalo wey yaraaneysaa.
Caloosha
Sigaar cabidda waxey siyaadineysaa khatarta boogaha caloosha iyo dhibaatooyinka kale ee caloosha. Haatan, khatartu wey yaraaneysaa.
Dhabarka
Khatarta xanuunada dhabarka wey yaraaneysaa. Sabtoo ah dhiiga si fiican ayuu jidhkaaga ugu faafi kartaa.
Qalfoofka
Qalfoofyadaada wey xoogeysanayaan. Haddii lug ey kaa jabto, si dhaksi ey kuugu kabmeysaa.
Guska
Todobaadyo ka dib, guska si sahlan ayuu u kacsanayaa. Sababtoo ah dhiigga guska si fiican ayuu u gaarayaa.
Raayaha wuxuu bilaabayaa inuu si fiican u soo saaro mina. Si sahlan ayaad qof uur uugu yeeli kartaa.
Si sahlan ayaad uur u qaadi kartaa
Waxyaabaha ku jira sigaarka waxey saameynayaan ukumaha uurka si aan fiicanayn.
Uur miyaad leedahay?
Khatarta wey yaraaneysaa uu ilmuhu kaga soo dhici karo. Haddii aad sigaar cabtid ilmaha uurka ku jira wey gaaraaya sunta sigaarka.
Gacmaha iyo Faraha
Farahaada inta badan ma qaboowyihiin markaad sigaarka cabeysid? Waxaa laga yaabaa inaad dareentid in gacmahaaga ay yara qandac noqonayaan. Sababtu waxaa weeyaan dhiig badan ayaa qeybaha jirkaaga ku wareegaaya.
Lugaha
Inta badan qabow lugaha maka dareemi jirtay inta aad sigaarka cabeysay? Hadda waxaa laga yaaba in suulashaada lugaha ay qandac yara noqdaan. Sababtu waxaa weeyaan dhiig badan ayaa jirkaada ku wareegaaya.