Halkan waxa ku yaala sawiro is-dabayaal oo ku saabsan ka ganacsiga dadku wuu yahay iyo waxaad caawimo heli karto haddii adiga laguu geysto. Ka ganacasiga dadka oo sidoo kale loo yaqaano mukhalisnimada. Waa marka cid kaa faa’iidaysato ama ku isticamaasho si ay lacag kaaga sameeyaan. Tusaale ahaan waa dadka kugu khasba in aad iibiso galmo, u shaqayso ama iibiso maan-dooriye.
Sawir 1
1/10
Ka ganacsiga dadku waa uu kala duwanaan karaa
Waa kuwan dhawr tusaale:
In ay cid kale kuu diyaariso sidii aad galmo u samayn lahayd adiga oo lacag ka qaadanaya, maan-dooriye ama si laguu siiyo meel aad degto.
In cid kaa caawiso in aad u safarto wadan kale, kadibna lagugu khasbo in aad iibiso galmada si aad daynkoodii iskaga bixiso.
In cid kugu khasabto in aad shaqayso, wax xado ama maan-dooriye iibiso.
Marmarka qaar dad kala duwan ayaa qabta hawlo kala duwan. Tusaale ahaan hadii qof kuu balan qaado shaqo, qof isku duba-rido safar, qof kale oo diyaariya in aad la kulanto qof si aad galmo u samayso.
Sawir 1
1/10
Waa wax dhaca in aad cabsato ama laguu hanjabo
Waa hadii lagugu khiyaameeyo waxa aad samaynso, ama sidii aad u noolaan lahayd.
Waa wax dhaca in aad cabsato ama laguu hanjabo. Waa ay dhacadaa in qofka ku handadayaa uu kaa qaado alaab muhiim ah, tusaale ahaan sida basaaboorka ama telefoonka gacanta. Sidoo kale waxa dhici karta in aad maqasho in qofku dayn lacag ah kugu leeyahay, ama lagu yidhaa cidna uma sheegi kartid. Cida kuu hanjabaysaa waxa dhici karta in ay ku yidhaahdaan waxan wax yeelaynayaa qoyskaaga, ama dadka kale ayaan uga sheekaynayaa wixii aad samaysay. Lakiin wax khalad ah oo aad samaysay ma jirto, waxaad heli kartaa cawimaad.
Waxaad dareemaysaa in ay adagtahay in aad xaaladan ka xorowdo, haseyeeshee waxaad u baahantahay qof ku caawiya ama ku badbaadiya.
Sawir 1
1/10
Qofka ku isticmaalay ama kaa faa’iidaysatay ayaa danbiile ah
In aad galmo iibiso danbi maaha Iswiidhan, Jinsiga aad doonto adigu iyo cida aad galamada la samaysayba ha ahaadaane.
Cida adiga ku isticaamaasha ama ku iibisa ayaa ah kuwa danbiilayaasha ah. Xataa hadii aad adigu ogeyd bilowgiiba in aad iibinayso galmada. Sidoo kale qofku doono ha ahaado kan ku iibinaya adiga. Sidoo kale xidhiidha aad doontaan lahaada qof sida hadii aad tihiin kuwo xidhiidh leh ama saxiibo ah.
Sawir 1
1/10
Waa sharci daro in aad dadka isticmaasho, si aad adigu lacag uga hesho
Dadka ku isticmaalayaa waxay samaynayaan sharci daro. waa danbi lagu macagaabo ka ganacsiga dadka, ama mukhalisnimada. Sidoo kale waa sharci daro in aad ka caawiso qof kale, tusaale ahaan in aad gaadhi ku qaado ama aad u diyaariso meel la seexdo.
Cid kugu khasbi kartaa in aad galmo samaysaa ma jirto. Cidna looma ogola in ay dadka kale isticmaalaan ama ka faa’iidaystaan, si ay lacag uga helaan. Arintan waxay khusaysaa dhamaan dadka oo dhan, nooca uu doono ha ahaado ama galmada jinsigoodu ha noqdaan kuwa badalayba jinsigooda.
Tjejjour (ururka daryeelka gabadhaha ee marwalba furan) iyo kan dumarka ee la yidhaa kvinnojour ayaad ka heli kartaa caawin hadii aad tahay gabadh ama qof jinsigiisa badalay.
Kuwo badan oo ka mid ah goobahan ayaa kuu balaminkara turjumaan hadii aad u baahan tahay. Umabaahnid in aad sheegto magacaaga, marka aad iyaga la xidhiidhayso.
Sawir 1
1/10
Waxa jira meelo aad wici karto, ama aad emayl u diri karto sidoo kale aad si toos u ah qoraal kula hadli karto
Waxa jira meelo ku yaala internetka oo caawiya dadka ay sidaada oo kale u dhacayday. Uma baahnid in aad sheegto magacaaga, marka aad iyaga la xidhiidho. Waxay ku siin karaan garab, ama waxay kaa caawin karaan si dii aad u heli lahayd caawimo sax ah.
Waxaad kula hadli kartaa ama wax ugu qori kartaa af Iswiidhish iyo Ingiriisiba inta badan goobahan. Sidoo kale qaar kamid ah ayaa kugula hadli kara luuqado kale.
Sawir 1
1/10
Lacag maku bixisay galamo? Ama cid ma isticmaashay si aad lagac uga hesho?
Waa sharci daro in aad lacag ku bixiso si aad qof kale galmo ula samayso. Sidoo kale waa sharci daro in aad isku dubarido sidii aad qof kale u iibin lahayd ama uu iibsan lahaa galmo. Khatar dheeraad ah ayay leedahay hadii laga iibsado galmo qof aan qaan-gaadh ahayn oo ka yar 18 sanno.
Waxaad khatar u tahay in aad garabsiinayso ka ganacsiga-dadka, hadii aad lacag ka bixiso galmo. Wax muuqda ama la arki karo ma aha hadii qof laga ganacsanaday. Waxay umuuqan kartaa in isaga/iyada ay si xoriyad ah u iibinayso galmada. Kuwo badan oo iibiya galmada ayaa xaaladoodu ay xuntahay.
Ma garanaysaa qof iibiya galmada, si ay cid kale lacag uga faa’iido? Ama qof ku khasban in uu maan-dooriye iibo ama wax xaddo si uu uhelo meel uu seexdo? Qof kan waxa lagu khasbay in uu galo danbi.
Waxaad ka caawin kartaa qofka in uu la xidhiido mid ka mid ah meelaha aan kuu sheeganay. Sidoo kale adiga yaa la xidhiidhi kara meelahan si aad uhesho caawimaad.